Naturum sett från sjön. Foto: Patrik Olofsson/N
Ku soo dhawaw Vattenriket!

Vattenriket waa meel leh dabeecad wacan oo kala bed-beddelan oo lagu magacaabo Vattenriket. Meeshu waa ay weyntahay, 35 x 35 kiiloomitir. Webiga biyo mareenka Helge ayaa si isdhaaf ah u dhex mara berriga oo ku shubma badda. Biyo mareenka waxa cirifka ku haya dhul qoyan iyo biyo iyo caws iska dhexbaxay iyo geedo caleemo badan iyo dhulbeereed bacaad ah. Dabeecadaas kala duwan waxaa ay keeneysaa in xayawaanno iyo geedo fara badan ka helaan meesha.

Xarunta booqashada naturum ee Caalamka biyaha waxaa ka sheekeynaya tilmaamayaal xagga dabeecada ah iyo bandhig ku saabsan meesha shimbiraheeda, mallaaygeeda iyo cayayaankeeda yar-yar ku saabsan. Waad ka qayb-geli kartaa dhaqdhaqaaqa kala duwan, ku raaxeysan kartaa bilicda, qaxweyn-kartaana.

Halkan waa ay adagtahay in laga aado Vattenriket. warbixin ku aaddan 21 meelood oo la booqdo, buundo alwaaxeed iyo minaarad-shimbireed. Meelaha la booqdo waxaa ay suura gelinayaan in loogu raaxaysto dabeecada siyaabo kala duwan, sanadka oo dhan. Waad ku dabaalan kartaa, wax ku duban kartaa, ku lugayn kartaa shimbirane ku daawan kartaa.

2005 waxaa Vattenrike ee Kristianstad loo magacaabay in ay noqoto meel ka tirsan barnaamijka Yuneesko ee hagaajinta xiriirka dabeecada iyo dadka. Laga soo billaabo markaas waxaa uu Vattenriket u shaqeeyaa sida meel uu ka socdo horuumarka raaga- “Oo u fiican dadka iyo dabeecada”! Adduunka oo dhan waxaa ka jira 700 oo meelahaas ah. Toddoba waxaa ay ku taalla Swiidhan Vattenriket waa waddanka meeshi ugu duqsan.

Firfitcooni Vattenriket gudihiisa

Dabeecadu waa meel fudud oo laga helo farxad iyo nasasho Meel lagula kulmi karo saaxibbo ama kali lagu noqon karo. Dabeecada Swiidhan waa mid dadka oo dhan ka dhexeysa. Xagaa, jiilaal, dayr iyo gu’ xilli sanadeed kasta waxaad ka heleysaa xasuus kala duwan. Ku soo dhawaw Vattenriket!

QAXWEYSO OO WAX DUBO
Si aad u fiican oo loogu raaxeysto Vattenriket waa in aad dabeecada dhex gashaa. Meelo badan oo ka mid ah meelaha la booqdo ee Vattenriket waxaa yaalla miisas iyo kuraas lagu fadhiisto oo wax lagu ag cuno. Meelaha qaarna waxaa ay leeyihiin meelo wax lagu dubto. Soo qaado qoryahaaga ama dhuxusha wax lagu dubto. Meelo la isu tilmaamo Norra Lingenäset, Ekenabben iyo Äspet.

MALLAAY DABO
Biyo mareeka Helge waxaa uu leeyahay nuucyo badan oo mallaay ah, in ka badan meelo kale oo Swiidhan ka mid ah. Si mallaay loo dabto waa in kaar mallaay-dabasho la iibsadaa. Taa waxaad ku sameyn kartaa naturumka Vattenriket, Kristianstad och Åhus Tourist Center iyo wilibo farriin xagga taleefanka ah. Waxaa jira sharciyo ku aaddan mallaayga la daban karo iyo goorta la daban karo. Mallaayga qaar waa dhif iyo naadir. Tusaale ahaan nuuca malen, kuwaas lama daban karo. Meelo la isu tilmaamo Kanalhuset, buunda Kavrö iyo Gropahålet.

Vandra i vattenriket

SOCO
Caalmaka biyaha maka aad joogtid dabeecadu waa ay Vattenriket maka aad joogtid dabeecadu waa ay dhawdahay. Ku wareeg meel ka mid ah meelaha la booqdo ee Vattenriket. Tiirarka rinjiga lagu calaameeyay ayaa waddada ku tusaya. Meeshi qoyaan ah waxaa jira buundo alwaaxeed aad uga gudbi karid. Mar walba oo aad galeysid meel lo’ daaqdo eygaagu ha xirnaado, hana u dhawaannin lo’da. Meelo la isu tilmaamo Linnérundan, Norra Lingenäset iyo Hercules.

Skåda fågel på Isternäset

DAAWO SHIMBIR
Vattenriket waa meel fiican oo lagu daawan karo shimbiro. Xilliga jiilaalka waxaa badanaa lagu arkaa gorgor badeed hareeraha biyo mareenka Helge. Xilliga guga waxaa yimaada meesha la booqdo ee Pulken ee Vattenriket shimbiro waaweyn oo kumannaan ah. Hareeraha Vattenriket waxaa ku yaalla minaarada-shimbireedyo badan. Soo qaado foga-cabbiri ama ka kireyso naturumka. Meelo la isu tilmaamo Linnérundan, Håslövs ängar, Hercules iyo Äspet

Xuquuqda tamashleyntu waxaa ay dhamaan u suurta gelineysaa in si xur ah loogu dhaqdhaqaaqo dabeecada. Laakiin waa in aanu qaddarinnaa dabeecada, milkiilaha dhulka iyo booqadayaasha kale. Waa in aadan dhibtamin ama wax ku dheelin. Ka fikir in aad dhammaan qashinka ku riddid meesha qashinka ama aad gurigaaga u qaaddi marka aad meesha ka tageysid. Warbixin ka akhriso Daryeelka Dabeecada Swiidhan si aad u ogaatid waxa la samaynayo

Besöksplatser i Vattenriket
Meelo qur-qurxoon ee Vattenriket

1. NORRA LINGENÄSET
Norra Lingenäset waa kayn caleemood qurux badan oo ku dhaw Kristianstad. Xilliga guga waxaa dhulka daboola ubax, shimbiruhuna geedaha ayay ka dul heesaan. Dhabbagu waxaa uu ku geynayaa minaarad-shimbireed iyo muuqaalka badyareyda Araslöv. Haddii aad rabtid in aad gashid wareeg dheer, waxaa jira dhul daaqsin ah iyo kayn dhiiqo badan oo la baari kartid. Meesha baabuurta la dhigto waxaa ku yaalla musqulo iyo miis weyn oo kuraas leh. Meesha baabuurta la dhigto agteeda waxaa ku yaalla meel waxa lagu dubto oo muuqaal fiican leh. Soo hel halkan: Norra Lingenäset waxaa ay in yar waqooyiga ka xigtaa Kristianstad. Baaskiil, baabuur ama baska 1 u soo qaado Albogatan, qeybta dambana soo lugey 2 kiiloomitir.

2. EKENABBEN
Ekenabben waxaa ay ku dhawdahaya Hammarsjön oo koonfur bari ka xigta Kristianstad. Waa meel fiican, halkaas oo lagu qaxweyn karo, wax lagu duban karo, mallaay laga daban karo, shimbiro laga fiirsan karo, laguna lugayn karo juqda qoraxda badan. Lugaynta kaynta waa ku dhawaad 800 oo mitir, waxaana la dul marayaa buundo-qoryeed yar. Ekenabben waxaa ku dherirsan geedaha alwaaxda laga sameeyo oo waaweyn oona qurux badan Halkaasna waxaa ka baxa dhabbay taga minaarad-shimbireedka, halkaas oo uu qofku ka arki karyo badda yar ee Hammar. Ekenabben agteeda waxaa ku taalla musqul Ka iibso naturumka kaar mallaay dabasho haddii aad dooneysid in aad mallaay dabatid. Soo hel halkan: Meesha la booqdo ee Ekenabben waxaa ay ku taalla Hammarslund akteeda. Lug, baaskiil ama buska khadka 1 uga imaw magaalada halkan. Baabuurta waxaa loo helayaa meel la dhigto.

3. VRAMSÅN
Vramsån waa mid ka mid ah biyo mareennada yar-yar ee ugu fiican Caalamka biyahay. Biyo nadiif ah ayaa kasoo shubmaya Linderodsåsen oo ku shubmaya biyo mareenka yar. Biya mareenka yari waxaa uu gani ku yahay alaalaxaay, cayayaan iyo mallaay. Meeshii hore ee dabaasha ee tuulada Gärds Köpinge agteeda waxaa looga soo dhawaanayaa biyaha. Halkan biya mareenku tartiib ayuu horay ugu socdaa iyada oo ay dhinacyada uga hareereysanyihiin iyo geedaha dhala miraha kastaanyaha oo adag. Meesha dabaasha agteeda waxaa ku yaalla meel baabuurta la dhigto, meel caws leh iyo meel wax lagu dubto. Kristianstad Tourist Center ka iibso kaarka mallaay dabashada. Soo hel halkan: Meesha la booqdo ee ”Vramsån’’ waxaa ay ku taallaa Gärds gudeheeda. Köpinge. Baaskiil, baabuur ama baska gobalka ee 553 qaado. Tabbeelle ayaa ku tusaya waddada la maro ee ku dherirsan waddada baaskiilka ilaa iyo Vramsån.

4. ÄSPET
Badda Åhus agteeda waxaa ku yaalla Äspet. Marka laga reebo xeeb cajiib ah waxaa jira halkan meel yar oo badda ka go’an oo soo jiidata shimbiro badan. Meesha yar ee badda ka go’an waxaa ku yaalla labo minaarad-shimbireed. Kanyta qurxoon ee xaggaas iyo dhulka gudihiisa waxaa jira meelo lagu lugeeyo oo badan. Xeebta agteeda waxaa ku yaalla meel baabuurta la dhigto oo musqul leh. Halkanna waa laga gaaraa minaarad-shimbireedka. 150 mitir koonfurta meesha baabuurta la dhigto waxaa ku yaalla meel waxa lagu dubto oo bacaadka ku dhggan. Soo hel halkan: Äspet waxaa ay ku taalla koonfurta dekadda Åhus. Raac waddada Åvägen, kaddibne Snickarehaksvägen ila laga gaaro xeebta. Baska 551 waxaa uu aadaa xarunta Åhus.

Back To Top
Translate »